Thursday, July 31, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Dalka oo ka tacsiyeeyay Geerida Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib

caqiil by caqiil
April 27, 2022
in Wararka
0
Madaxda Dalka oo ka tacsiyeeyay Geerida Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo dhawr mar xilka wasiirnimo ka soo qabtay dowladdii dhexe sannadihii 1974-1984-kii, waxa kale oo uu soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sannadihii 1970-1974-kii.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

July 31, 2025
Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

July 31, 2025

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer. Waxa uu xilalka kala duwan oo muhiim ah ka soo qabtay dowladdii Dhexe, isaga oo markii danbe na door muhiim ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad-dhiska Soomaaliya.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryay Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble, ay isna ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib ku geeriyooday Dalka Jabuuti.

“Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyska, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee General Jaamac Maxamed Qaalib.

Alaha u naxariistee Janaraal Jaamac, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka waxa uu dalkiisa ugu soo adeegay si hufan oo hagar la’aan ah, waxuuna ahaa muwaadin ku timaaman daacadnimo iyo dal jaceyl.

 

Previous Post

Tartamayaasha Degmada Marko oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka (Final)

Next Post

WHO oo sheegtay in wali Covid-19 uu dunida ku sii fidaayo

Next Post
WHO oo sheegtay in wali Covid-19 uu dunida ku sii fidaayo

WHO oo sheegtay in wali Covid-19 uu dunida ku sii fidaayo

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

July 31, 2025
0

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya (SoDMA) mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya...

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Central Africa Republic

July 31, 2025
0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa maanta ka qeyb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo kala saxiixday heshiis visa-la’aan

July 31, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Jakarta...

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo Xuddur ka daah-furay ololaha diiwaangelinta dadweynaha  

July 31, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Guddoomiyaha Baarlamaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In