Thursday, July 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

UNHCR oo sheegtay in ay korartay Tirada dadka tahriibayaasha ah ee badda ku dhintay sanadkii hore

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
UNHCR oo sheegtay in ay korartay Tirada dadka tahriibayaasha ah ee badda ku dhintay sanadkii hore
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In ka badan 3,000 oo qaxooti ah, tahriibayaal iyo magangalyo doon ah ayaa ku dhintay marinnada Mediterranean-ka iyo badda Atlantic-ga sannadkii hore, iyagoo isku dayaya inay Yurub galaan, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxoontiga Adduunka Jimcihii.

Kumanaan Afrikaan ah ayaa sannad walba safarro dheer oo halis ah ku taga Yurub iyagoo inta badan kasii gudba Saxaraha, waxayna ka baxaan xeebaha woqooyiga Afrika iyagoo raacaya doomo yaryar oo macmal ah, waxaana dadkaasi ka cararayaan dhibaato, iyaga oo raadinaya nolol dhaanta tan ay ku sugan yihiin.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026

Sannadkii hore, UNHCR waxay sheegtay in 3,077 qof ay dhinteen ama la la’yahay, taas oo ku dhow labanlaab tirada 2020-ka.

“Waxaan arkeyna tirada dhimashada oo aad u sii kordheysa” ayay tiri Shabia Mantoo oo ah madaxa UNHCR oo shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Geneva. “Waa wax laga naxo.” ayay raacisay.

Ilaa hadda sanadkan 2022, 553 oo qof ayaa lasoo wariyay inay dhinteen ama la la’yahay, iyaa oo intooda badan ku dhinteen marinka Bartamaha Mediterranean-ka, sida ay xogtani muujisay.

Dadka dhintay iyo kuwa la la’yahay ayaa ka kala yimid dalal badan oo ku yaalla Waqooyiga iyo kuwa ka hooseeya Saxaraha sida Tunisia, Morocco, Mali, Guinea, Eritrea, Masar, Ivory Coast iyo Senegal iyo sidoo kale Iran, Syria iyo Afghanistan, sida ay sheegtay Mantoo.

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u soo xiray Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Ruushka oo sheegay in Ciidamasiisa ay bar-tilmaameedsan doonaan Hubkasta oo gudaha Ukraine la geliyo  

Next Post
Ruushka oo sheegay in Ciidamasiisa ay bar-tilmaameedsan doonaan Hubkasta oo gudaha Ukraine la geliyo  

Ruushka oo sheegay in Ciidamasiisa ay bar-tilmaameedsan doonaan Hubkasta oo gudaha Ukraine la geliyo  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo...

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

June 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cali Xoosh, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka xarunta dhexe ee Wasaaradda oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In