Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hadal jeedinta maalina koowaad ee Musharaxiinta Madaxweynaha 10aad JFS oo la soo gabagabeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Hadal jeedinta maalina koowaad ee Musharaxiinta Madaxweynaha 10aad JFS oo la soo gabagabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta Xarunta Teedhada Afisyooni ka qabsoontay hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, halkaas oo ay ku soo bandhigayeen Barnaamij Siyaasadeedka Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Maalinta koowaad ee Hadal jeedinta waxaa ku qornaa illaa 20 Musharax oo ka mid 39 musharax oo si rasmi ah u dhameystiray sharuudaha musharaxnimo ee Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo uu Guddiga u jaan gooyay in ay u soo bandhigaan ajandayaashooda Mudanaasha Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026

Munaasabadda hadal jeedinta ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku xigeennada Guddoonka labada Aqal ee BFS.

Ugu horreeyn Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Senator Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa daah furay kulanka, asaga oo mudanayaasha iyo musharaxiinta u sharaxay habraac hadal jeedinta Musharaxiinta.

Hadal jeedinta Musharaxiinta marka ay soo idlaatay ayaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS ka codsaday Xildhibaannada labada Aqal ee BFS in ay ka soo qeyb galaan hadal jeedinta Musharaxiinta ee loo ballan sanyahay maalinta berri oo ah maalinta u dambeysa ee hadal jeedinta musharixiinta ku loolamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JFS ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 15 May 2022 oo ku beegan maalin Axadda ee soo aadan oo ah maalinta ay u jaangooyeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.

Previous Post

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta oo tababar loogu soo xiray Dalka Jabuuti “SAWIRRO”

Next Post

Maalintii labaad ee hadal jeedinta murashaxiinta madaxweynaha 10 aad ee JFS

Next Post
Maalintii labaad ee hadal jeedinta murashaxiinta madaxweynaha 10 aad ee JFS

Maalintii labaad ee hadal jeedinta murashaxiinta madaxweynaha 10 aad ee JFS

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

Soomaaliya Oo Ka Qayb Gashay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya Oo Ka Qayb Gashay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

July 12, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka , ahna Lataliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa Soomaaliya ku matalay Shirweynaha Dhaqaalaha...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa maanta deeq gargaar raashin ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In