Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dalka oo ka Tacsiyeeyey Geerida Marxuum Cabdullaahi Cabdi Garruun Iyo Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Dalka oo ka Tacsiyeeyey Geerida Marxuum Cabdullaahi Cabdi Garruun Iyo Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdullaahi Cabdi Garruun iyo Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi oo labaduba soo noqday Sanataro hore oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaank Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in labada Marxuum ay muddo dheer u soo adeegayeen Qaranka Soomaaliyeed. Marxuum Cabdullaahi Cabdi Garruun ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe, isaga oo markii danbe door weyn ka soo qaatay dadaalladii dowlad-dhiska Soomaaliya. Sidoo kale Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi ayaa kaalin mug leh ku lahayd horumarinta bulshada, dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo hirgelinta hannaanka federaalka dalka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Sanator Jawaahir Axmed Cilmi iyo Sanator Cabdullaahi Cabdi Garruun waa geeri xanuun badan oo taabatay qalbiyada dadka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin mug leh ka soo qaateen horumarinta dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadkeenna.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada Marxuum Alle uga baryey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaska, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen.

Previous Post

Saddex degmo oo ka tirsan Gobalka Banaadir oo deeq rashin ah laga qeybiyay

Next Post

Ergeyga gaarka ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay Wasiirka Qorshaynta Qaranka

Next Post
Ergeyga gaarka ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay Wasiirka Qorshaynta Qaranka

Ergeyga gaarka ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay Wasiirka Qorshaynta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

Soomaaliya Oo Ka Qayb Gashay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya Oo Ka Qayb Gashay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

July 12, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka , ahna Lataliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa Soomaaliya ku matalay Shirweynaha Dhaqaalaha...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah maanta ku qaybisay magaalada Caabudwaaq

July 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa maanta deeq gargaar raashin ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In