Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku daah-furay shirka dib-u-eegista Dakhliga guud iyo Kor u qaadista wax soo saarka Dowlad Gobaleedka Puntland.
Shirka ayaa looga hadlaya sidii loo dardargelin lahaa dakhliga guud ee Puntland iyo kor u qaadista wax soo saarka iyo kobaca dhaqaalaha Puntland, Waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaraddaha dakhliga qaabilsan, Bangiga Dowladda iyo Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.
Puntland ayaa seddexdii sano ee lasoo dhaafay dib-u-habeyn ku sameysay hannaanka Maaliyadda, Waxaana lagu guuleystay in Cashuurtii shacabka dib loogu celiyay oo lagu fuliyo dhismaha Waddooyinka Gobollada, Xarumaha Danta Guud iyo mashaariicda hormarineed.