Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) , Ayaa daah furay ololaha Ka hortaga Cudurka Dabeesha, Kaas oo laga fulin doono degmooyinka Caasimadda.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa ka hadlay ahmiyada uu Tallaalkan u lee yahay ka hortaga xanuunka Dabeesha, Isagoo ugu baaqay bulshada Gobolka Banaadir iney ka faa’ideystaan tallaalkani.
Waxaa dhawaan la filayaa inow Tallaalka Dabeesha gaaro guud ahaan Gobalka Banaadir ,Dagmooyinkiisa oo ay ku noolyihiin Carruur farabadan,Oo u badan dadka kasoo barakacay Gobaladda dalka oo ay sameeysay Abaarta.