Telefeshinka ku hadla Afka Dowladda Iiraan ayaa sheegay in 10 qof ay dhinteen, ku dhawaad 50 kalena ay ku dhaawacmeen Shil Tareen oo aroornimadii hore ee saaka oo Arbaco ah, ka dhacay bariga dalkaasi Iiraan.
Wararka ayaa intaas ku daray in khasaarahan uu ka dhashay Saddex tareen oo jidkoodi ka leexday inta u dhaxaysa magaalooyinka Mashhad iyo Yasdi ee bariga dalkaas Iiraan.
Halka uu shilkan ka dhacay ayaa 50 Km u jirta magaalada saxaraha ah ee Tabas.