Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa saaka oo Khamiis ah garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay wefdi uu hogaaminayay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Shakhbout Bin Nahyaan oo ka qeybgalaya caleemo-saarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan.