Wednesday, February 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Machadka Barashada Qira’aadka Qur’aanka iyo Culuumta Sharciga oo laga furay Cadaado

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Machadka Barashada Qira’aadka Qur’aanka iyo Culuumta Sharciga oo laga furay Cadaado
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Mamulka Degmada Cadaado ayaa ka qeybgalay xafladda xariga looga jarayay Machadka Barashada Qira’aadka Quranka iyo Culuunmta Sharciga.

Machadka barashada Qira’aadka Quraanka Kariimka iyo Culuumta sharciga ee Ceydaruus oo faracyo ku leh wadamo badan oo caalmaka ah iyo qaarka mid ah gobolada dalka ayaa markii ugu horeysay laga hirgeliyay Degaannada Galmudug iyadoo Cadaado ay noqotay magaaladii ugu horeysay ee laga furo machadkan.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

February 11, 2026
Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

February 11, 2026

Machadkan ayaa ah machad ugaara Barashada Qiraa’aadka kala duwan ee Quraanka iyo culuumta sharciga oo lacag la’aan lagu barayo dadka, waxaan xafladiisa furitanka ka qeybgalay Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug Maamulka degmada Cadaado ururka hooyooyinka Degmada culima’udiinka Waalidiinta iyo ardeyda ka faa’ideysanaysa qeybta hore machadkan.

Ugu horeyn Dr Cabdulahi Cabdiqani oo ka mid ah ardeydii ka soo qalinjabiyay machadkan Ceydaruus qeybtiisa wadanka Yeman ayaa sheegay inay tahay talaabo lagu farxo in farac ka mid ah machadka laga hirgeliyo Cadaado.

Sheekh Tahliil oo kamid ah waalidiinta ka soo qeybgalay Furitanka Macdaka Ceydaruus ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo eyna ka faa’ideysan doonaan.

Ugu dambeyn Guddoomiaye ku-xigeenka Degmada Cadaado Nuur Yarow Xeyle iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Cali Axmed oo k atirsan Barlamaanka Galmudug ayaa xarigga si wada jir ah uga Machadka Barashada Qira’aadka Quraanka iyo Culuumta Sharciga, iyagoo bulshada ugu baaqay inay ka faa’iideystaan machadka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay guddiga qaban qaabada xuska todobaadka xoriyadda dalka

Next Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed Gobolka Nothwest oo Guddoomiye u doortay Mustafa Shiraac

Next Post
Jaaliyadda Soomaaliyeed Gobolka Nothwest oo Guddoomiye u doortay Mustafa Shiraac

Jaaliyadda Soomaaliyeed Gobolka Nothwest oo Guddoomiye u doortay Mustafa Shiraac

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

February 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qaybgalay furitaanka Kal-fadhiga...

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

February 11, 2026
0

Cape Town – Koonfur Afrika: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa kulan...

February 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa magaalada Cape Town kulan kula yeeshay...

Ciidamada XDS oo 6 Khawaarij ah ku dilay Gobolka Hiiraan

Ciidamada XDS oo 6 Khawaarij ah ku dilay Gobolka Hiiraan

February 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka fuliyay weerar dhabagal ah oo ka dhacay gobolka Hiiraan,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In