Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ka dib safar maalmo qaatay oo uu ku joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada .
Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho kaga qeybgalay caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.
Waxaa Madaxweynaha garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo mas’uuliyiin kala duwan.