Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u Heshisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka daahfurtay Magaalada Muqdisho kulanka wadatashiga Istaraatiijiyadda ka qayb gelinta haweenka ee dowladdaha hoose.
Kulanka ayaa waxa kasoo qayb galay Wasaaradda haweenka Dowladda Soomaaliya , Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Haweenka ee Dowlad Goboleedyada Dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka socda ururada Bulshada rayidka.