Barakacayaasha ku jira Kaamamka Magaalada Galiinsoor ayaa lagu soo waramay in ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka noolasha ah iyo cuduro kala duwan oo la soo gudboonaaday bulshada halkaasi.
Guddoomiye ku xigeenka Magaalada Galiinsoor Farxaan Cismaan Maxamed ayaa qeexay in dadka deegaankaasi oo u badan kuwo danyar ah ay muddo 6 sano ah ku noolaayeen duruufo adag, sidaa aawgeedna ay iminka kusoo biireen dad badan kadib markii abaaraha jira ay dileen xoolihii.
Guddoomiyaha Kaamka Kulmiye, foodeey Xasan ayaa Warbaahinta Qaranka Soomaliyeed u sheegtay in dadka ku jira kaamkaasi ay aad u liidato xaaladooda nololeed.