Friday, July 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo war ka soo saaray khasaaraha Al-Shabaab ee dagaalkii Baxdo

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Wasaiirka Warfaafinta Galmudug oo ka hadlay weerarkii lagu jabiyay Argagixisada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Galmudug oo war ka soo saaray dagaalkii Baxdo ayaa dadka deegaankaas ku bogaadiyey sida ay isaga caabiyeen weerarkii ay saakay ku soo waaday kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in dagaalkaas 70 xubnood looga dilay kooxda Al-Shabaab, iyadoo Madaxweynaha Galmudug uu dadka deegaanka ku amaanay sida geesinimada leh ee cadowga ay isaga difaaceen.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida, sida geesinimada leh oo ay saaka iskaga difaaceen weerarkii ay argagaxisadu kusoo qaaday degmada Baxdo.

Dowladda Galmudug ayaa ku ammaantay Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida feejignaanta leh oo ay uga hortageen dhagar qabayaasha oo xogtooda la sii hayay, halkaasna ay kala kulmeen dharbaaxo, kagana carareen maydad gaaraya 70 oo ay kamid yihiin sedex ajaanib ah, hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diyaariyeen walxaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu wax yeeleeyo shacabka degmada Baxdo.

Dowladda Galmudug waxa ay xaqiijinaysaa in weerarka kadib, Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida ay ka howlgaleen deeganada hoos taga degmada Baxdo oo ay ku baacsadeen haraadiga kooxdii argagaxisada ahaa ee weerarka soo qaaday, iyagoona halkaas ugu dhigay cashar lama ilaawaan ah.

Dowladda Galmudug waxa ay ku tilmaamtay dagaalkii saaka lagu jabiyay kooxda argagixisada, mid taariikhi ah, ayna mudantahay in geesinimada ay muujiyeen reer Baxdo in ay kaga tusaale qaataan shacabka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii, madaxweynaha Galmudug, waxa uu Eebbe uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay, janadii Firdowsana ka waraabiyo intii ku shahiiday dagaalkii saaka.

Dhammaad

Previous Post

Xaalado adag oo soo wajahay barakacayaasha ku dhaqan Gallinsoor

Next Post

Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 12-aad oo saakay dalka ka bilaabanaya

Next Post
Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 12-aad oo saakay dalka ka bilaabanaya

Imtixaanka shahaadiga ee fasalka 12-aad oo saakay dalka ka bilaabanaya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Beerta Nabadda kulan kula yeeshay suxufiyiinta warbaahinta...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026
0

Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta xaruntiisa ku qabtay shirka Talisyada Qaybaha Ciidanka Dhulka, kaas oo uu...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

July 9, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dib u dhis iyo casriyeyn ballaaran oo...

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

July 9, 2026
0

Safiirka Aan Deggenayn ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Brazil Mudane Dr. Omar Dufle, ayaa maanta Madaxweynaha Brazil,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In