Madaxwaynaha JFS Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee Ankara.
Madaxwaynaha ayaa diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada kale ee safaaradda la yeeshay kulan is xogwaraysi ah.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Danjire Jama Axmed Maxamed (Caydiid) ayaa Madaxweynaha uga warramay adeegyada safaaraddu bulshada Soomaaliyeed ee Turkiye deggan u qabato.