Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Machadka SETA ee dalka Turkiga.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Machadka SETA ee dalka Turkiga.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha JFS oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa khudbad ka jeediyey Machadka SETA ee dalka Turkiga,madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay doorka xiriirka qotada dheer ee dalalka Turkiga iyo Soomaliya ay wadaagaan kaas oo ah mid muhiimad gaar ah u leh labada dal.

madaxweyne Xasan ayaa si adag uga hadlay sida ay muhiim u tahay in la iska kaashado la dagaalanka kooxda Argagixisadd ah ee Al-shabaab iyo sida ay muhiim u tahay in laga gacan siiyo dowladda Soomaliya qorshaha ay doonayso in ay guud ahaan ba dalka kaga cidhibtirto kooxda Argagixisadda ah ee  Al-shabaab.

Related posts

Duqeyn lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo laga fuliyay Bakool

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibbada caalamka oo howlgalo duqeyn ah fuliyey.

April 6, 2026
Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

April 6, 2026

Madaxweynaha ayaa xusay in qaababkii hore loogu wajahay la dagaalanka kooxda Al-shabaab aanu ahayn mid keenaya hor u socodnimo lagaga guulaysan karo,sidaas darteed iyadoo Dowladda Soomaliya faa’iidaysanaysa khibrada hore markan ay u diyaar garowday sidii kooxda Al-shabaab loo burburin lahaa dhaqaale ahaan,ciidan ahaan iyo caqiido ahaan ba.

madaxweynaha ayaa xusay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid ku dhisan is ixtiraam, wax wada qabsi iyo in la is garab istaago wakhtiyadda adag isaga oo xusay sida ay muhiim u tahay in markan Soomaaliya laga caawiyo sidii ay uga guuleysan lahayd caqabadda dhanka amniga taas oo koobsanaysa dhammaan caqabadaha hor taagan dowladnimadda Soomaaliya.

Previous Post

Ciidanka NISA oo hawlgalo ka fuliyey Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

Next Post

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle oo  qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya.

Next Post
Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle oo  qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle oo  qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya.

Duqeyn lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo laga fuliyay Bakool

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibbada caalamka oo howlgalo duqeyn ah fuliyey.

April 6, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta fuliyay hawlgallo duqeymo ah oo ka dhacay deegaanka Gasarta, oo u...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

April 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

April 6, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo...

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

April 6, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdulkadir Cali ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In