Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Ammaanka Midowga Africa Oo Hawlgal Shaqo ku Tagaya Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Golaha Ammaanka Midowga Africa Oo Hawlgal Shaqo ku Tagaya Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si dhow ula socota heshiisyadii iyo qararadii laga gaaray arrimaha ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya, waxayna safaaraddu mar kasta daba gal ku samaysaa fulinta iyo socodsiinta heshiisyadaas, iyadoo usoo jeedisay Midowga Africa in hawgal shaqo oo qorshaysan laga fuliyo Soomaaliya si loo qiimeeyo waxyaalaha ka qabsoomay heshiisyadii iyo qaraaradii la xiriiray arrimaha ciidamada Midowga Africa eek u sugan Soomaaliya.

Ku Simaha safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia ahna uqaybsanaha Soomaaliya ee Midowga Africa iyo UNECA Mudane Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta safaaradda Djibouti ee Addis Ababa ku la kulmay Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka Miowga Africa ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Midowga Afrika Mudane. Danjire Abdi Mohamoud, isagoo kala hadlay una sheegay in Soomaaliya ay si dhow ula socoto qaraaradii laga gaaray arrimaha ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya, ayna doonayso in si dhab ah loo fuliyo qaraaradii iyo heshiisyadii hore loo gaaray. Labada masuul waxay sidoo kale isla falanqeeyeen qaraaradii u danbeeyey ee kasoo baxay Midowga Africa kuwaas oo Safaaradda lagu bogaadiyay dedaalkeeda iyo daba galka ay Safaaradda JFS ee Addis Ababa ku hayso qaraaradii la wada gaaray, daba galka safaaradda ayaa salka ku haya sidii loo fulin lahaa loogana dhabayn lahaa heshiisyadii iyo qaraaradii soo baxay bilowgii sanadkan 2022, kuwaas ku salaysnaa arrimaha ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
Previous Post

Danjiraha Soomaaliya Ee Serbia Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalkaas

Next Post

AU delegation to visit Somalia on 19th of July

Next Post
AU delegation to visit Somalia on 19th of July

AU delegation to visit Somalia on 19th of July

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlay dhisidda kalsoonida iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In