Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa diyaarad militari uga baxsaday dalkiisa, iyadoo ay socdaan bannaan baxyo waaweyn oo looga cabanayo xasaradda dhaqaale ee dalkaasi ka taagan.
Gotabaya, oo 73 jir ah ayaa sida la sheegay gaaray caasimadda Maldives, ee Male, abbaaro 03:00 xilliga dalkaas, sida ay xogta ku heshay warbaahinta.
Bixitaanka Rajapaksa ayaa soo afjaraya xukunka qoyska uu ka shashay oo tobnaan sano gacanta ku hayay talada Sri Lanka.
Wasiirkii hore ee maaliyadda Basil Rajapaksa, ayaa sidoo kale dalkaasi ka tegay, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Warbaahinta, waxana sidokale la sheegay inuu ku sii wajahan yahay Mareykanka.