Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay afganbigii dhicisoobay ee ka dhacay waddanka Türkiye 15-kii July 2016 — taasi oo ku suntanayd maalinta ilaalinta midnimada iyo dimoqraadiyadda Turkiga.
Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Turkiga ay ku leedahay Soomaaliya ayaa waxaa kaloo ka qeybgalay diblomaasiyiin, Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo marri sharaf kale.
Intii ka hadashay munaasabadda ayaa si wadajir ah u qiray kaalinta ay shacabka Turkiga ka qaateen ka hortegidda Afgambigii dhicisoobay.