Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jemhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo todobaadyadii lasoo dhaafay Boqortooyada Dalka Sucuudi Carabiya, u joogay gudashada Acmaashha waajibaadka Xajka, ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay,waxaana guddoomiyaha dib usoo laabashadiisa ku wehliyay Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka Maxamed Xasan Rooble iyo la taliyaha arrimaha siyaasadda iyo Amniga ee Guddoomiyaha Maxamed Xasan Idiris.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jemhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo, isugu jira wasiiro,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux) iyo siyaasiyiin.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jemhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo intii uu ku sugnaa Dalka Sacuudi Carabiya soo gutay waajibaadka Xajka ayaa sidoo kale waxa uu kulamo la qaatay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta.