Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Arrimaha Bulshada XFS Oo Ka Wada Hadlay Barnaamijka Baxnaano

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Arrimaha Bulshada XFS Oo Ka Wada Hadlay Barnaamijka Baxnaano
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif  oo maanta gaaray magaalada Dhuusamarreeb ee Caasimadda Galmudug.

Wasiirka iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo ay safarka ku wehlinaysay madaxa barnaamijka baxnaano ayaa u kuur galayay xaaladda guud ee dadka danyarta ah ee ku nool deegaannada Galmudug iyo kuwa ay abaaruhu saameeyeen, si looga faa’iideeyo barnaamijka Baxnaano oo ah barnaamij looga faa’iideenayo dadka danyarta ah.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Kulankan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlad Goboleedka Galmudug, oo warbixin buuxda la wadaagay Madaxweynaha Galmudug, waxaana wafdiga Wasiirka shaqada ee heer Federaal oo kaashanaya Wasaaradda shaqada ee Galmudug ay booqan doonaan deegaannada Galmudug si ay ugu kuur galaan dadka danyarta ee mudan in looga faa’iideeyo barnaamijka Baxnaano.

 

 



Previous Post

Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare Ee Galmudug Oo La Magacaabay

Next Post

Dhismo Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada

Next Post
Dhismo Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada

Dhismo Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In