Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Nudane Sheekh Adan Mohamed Nur Madobe, ayaa waxaa uu la kulmay Guddiga madax-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.
Guddiga ayaa Guddoomiyaha la wadaagay warbixin ku aaddan shaqooyinkii ay soo qabteen waxa ayna Baarlamaanka ka codsadeen in lagala shaqeeyo la dagaalanka musuqmaasuqa, sidoo kale waxay sheegeen in Golaha Aqalka sare loo gudbiyo si loo meelmariyo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa yiri ” Waan soo dhoweeynayaa shaqada guddigan gacanne waa in laga siiyo, siday shaqadooda ay u qabsan la haayeen”