Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Oo Xilka La Wareegtay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Oo Xilka La Wareegtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa maanta xilka la wareegtay, taa oo ka dhigan inay tahay gabadhii u horraysay ee xilkan qabata.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac , Wasiir Wasaasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, maareeyaasha hay’adda duulista Hawada iyo garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

July 29, 2026
Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo xilka ku wareejiyay Wasiirka cusub ayaa ka warbixiyay howlaha muhiimka ah ee ka socda Wasaaradda , isagoo u rajeeyey Wasiirka cusub in uu rabbi ku guuleeyo mas’uuliyada adag ee ah u adeeggidda Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Mudane Marwo Fardowso Cusmaan Cigaal oo ugu horrayn u mahadcelisay Wasiirkii hore ee xilka wareejiyay iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda ayaa tilmaamtay sida ay uga go’antahay in ay sii anbaqaado qorsheyaasha lagu horumarinayo adeegyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dalka,iyadoo muujisay inay xoojinayo arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh Wasaaradda.

“Wasaaraddan waxay muraayad u tahay dalka, waxaan doonayaa inay doorkaa muujiso, Sidoo kale Waxaan doonaya dhammaantayo oo mid ah in is beddel wadajir ah aan halkan ku sameynayo.”ayay tiri Wasiirka Duulista Hawada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gabagabadii sheegay in Wasaaradda ay muhiimad weyn u leedahay dalka, isla markaana laga sugayo Wasiirka cusub inay uu wax badan ka qabato hagaajinta hannaanka isku xirka iyo horumarinta waaxyaha iyo adeegyada Wasaaradda.

Previous Post

Shaqaaqadii 7-dii bishan ka dhacday golaha shacabka oo guddi loo saaray.

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xilka U Kala Wareejiyay Wasiirka Cusub Maaliyadda iyo Wasiirkii Hore

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xilka U Kala Wareejiyay Wasiirka Cusub Maaliyadda iyo Wasiirkii Hore

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xilka U Kala Wareejiyay Wasiirka Cusub Maaliyadda iyo Wasiirkii Hore

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

July 29, 2026
0

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula...

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Cimilada ee Wasaaradda Maaliyadda, oo kaashanaya Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeeyay maanta tababbarka wajigii labaad ee...

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

July 29, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, ahna Danjiraha aan degganayn ee Japan, Dr. Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa...

Wasiir Fiqi” Waxaa jira mas’uuliyiin magac dilka dalka, Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay”,

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay duqeymo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 29, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo, ayaa shaaciyay in howlgal duqeyn ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In