Wednesday, November 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Hadraawi

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Hadraawi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu ka mid ahaa tiirarka hal-abuurka  Soomaaliyeed, door weynna ka soo qaatay ilaalinta dhaqanka, horumarinta afka iyo suugaanta, waxa uuna ku tilmaamay astaan midnimo iyo nabadeed, oo geeridiisa laga dareemayo guri kasta oo Soomaaliyeed.

“Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi),  Alle ha u naxariistee, waxa uu ka mid ahaa haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey wacyi-gelinta bulshada iyo kobcinta garaadka dadka Somaaliyeed, waxa uu wakhtigiisii iyo hibadiisa hal-abuur u huray sidii uu dadkeenna uga wacyi gelin lahaa dhibaatooyinka colaadaha iyo tafaraaruqa.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka murugeysan geerida naxdinta leh ee Abwaanka ayaa tilmaamay socdaalkii nabadda ee taariikhiga ahaa, oo Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) uu ku maray dalka xilli dadka Soomaaliyeed ay ka quusteen wax-wada lahaansho, midnimo iyo dowladnimo.

Alle ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)  waxa ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku xasuusan doonaan Keydka suugaanta, taariikhda iyo falsafadda jiritaanka umadeed ee uu uga tagay, waxayna Alle uga rajaynayaan in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa.

Previous Post

Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka dalka oo kulmay

Next Post

Madaxweyne Qoor Qoor oo Ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Hadraawi

Next Post
Madaxweyne Qoor Qoor oo Ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Hadraawi

Madaxweyne Qoor Qoor oo Ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Hadraawi

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
0

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dhankiisa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go'antahay xoojinta...

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan,...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In