Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta La Dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta La Dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo ay wehliyaan  Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka iyo Saraakiil kale ka tirsan Taliska 27aad ee XDS, isla markaana  howlo shaqo u jooga magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaasi oo ay kaga wada hadleen dardargelinta howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab oo maalmihii dambe si xoogleh uga socday deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo laga gaaray guulo muhiim ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa si wada jir ah u xusay doorka ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin ciribtirka guud ahaan dalka dhagarqabayaasha Al-Shabaab, waxaana uu Wasiirka balan qaaday in argagixisada Al-Shabaab laga cirib tiri doono guud ahaan dalka ayna dhiirigelin u sameyn doonaan saraakiisha hogaamineysa howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee habeen iyo maalin u taagan sidii guud ahaan Soomaaliya looga sifeyn lahaa dhagarqabayaasha Al-Shabaab.

Related posts

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo uu wehliyo Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa shalay gelinkii dambe kormeeray fariisimaha ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin aagga hore ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ku booriyay ciidamada in la sii labo jibaaro howlgallada guud ahaan gobolka looga ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab.

Previous Post

Hay’adda Duulista Rayidka Oo Shaacisay In La Jabsaday Bogga Rasmiga ah ee Hay’adda

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warbixin Ka Dhagaystay Guddiga Amniga Qaranka Ayaa Kadib Farriin U Diray Shacabka Soomaaliyeed

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warbixin Ka Dhagaystay Guddiga Amniga Qaranka Ayaa Kadib Farriin U Diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warbixin Ka Dhagaystay Guddiga Amniga Qaranka Ayaa Kadib Farriin U Diray Shacabka Soomaaliyeed

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

February 26, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka, kaas oo ay ka qeybgalayaan arday...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

February 26, 2026
0

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf Barre, ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay si gaar ah sanadkan...

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In