Wednesday, August 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta La Dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 23, 2022
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta La Dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo ay wehliyaan  Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka iyo Saraakiil kale ka tirsan Taliska 27aad ee XDS, isla markaana  howlo shaqo u jooga magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaasi oo ay kaga wada hadleen dardargelinta howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab oo maalmihii dambe si xoogleh uga socday deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo laga gaaray guulo muhiim ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa si wada jir ah u xusay doorka ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin ciribtirka guud ahaan dalka dhagarqabayaasha Al-Shabaab, waxaana uu Wasiirka balan qaaday in argagixisada Al-Shabaab laga cirib tiri doono guud ahaan dalka ayna dhiirigelin u sameyn doonaan saraakiisha hogaamineysa howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee habeen iyo maalin u taagan sidii guud ahaan Soomaaliya looga sifeyn lahaa dhagarqabayaasha Al-Shabaab.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday xarunta warshadaha tamarta ee Ningxia

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday xarunta warshadaha tamarta ee Ningxia

August 27, 2025
Hay’adda SoDMA oo Balcad ka daah-furtay mashruuc raashin qeybin ah

Hay’adda SoDMA oo Balcad ka daah-furtay mashruuc raashin qeybin ah

August 27, 2025

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo uu wehliyo Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa shalay gelinkii dambe kormeeray fariisimaha ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin aagga hore ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ku booriyay ciidamada in la sii labo jibaaro howlgallada guud ahaan gobolka looga ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab.

 

 

Previous Post

Hay’adda Duulista Rayidka Oo Shaacisay In La Jabsaday Bogga Rasmiga ah ee Hay’adda

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warbixin Ka Dhagaystay Guddiga Amniga Qaranka Ayaa Kadib Farriin U Diray Shacabka Soomaaliyeed

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warbixin Ka Dhagaystay Guddiga Amniga Qaranka Ayaa Kadib Farriin U Diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warbixin Ka Dhagaystay Guddiga Amniga Qaranka Ayaa Kadib Farriin U Diray Shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday xarunta warshadaha tamarta ee Ningxia

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday xarunta warshadaha tamarta ee Ningxia

August 27, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay Xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong,...

Hay’adda SoDMA oo Balcad ka daah-furtay mashruuc raashin qeybin ah

Hay’adda SoDMA oo Balcad ka daah-furtay mashruuc raashin qeybin ah

August 27, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta degmada Balcad ka daah-furay mashruuc raashin qeybin ah oo...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Ganeraal Sebahattin Kalkan, Taliyaha Ciidanka Turk-Som, ayaa gaarey deegaanno...

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta safar dhulka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In