Monday, May 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dalka Oo Kormeeray Xarummo Dowladeed Oo Ku Yaalla Garoowe ” SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Dalka Oo Kormeeray Xarummo Dowladeed Oo Ku Yaalla Garoowe ” SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa warbixinno ka dhageystay Hay’adaha iyo Wakaaladaha Horumarinta Biyaha, Waddooyinka iyo Maareynta Kheyraadka, Maamulka Bangiga Dhexe iyo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka heer dowlad-goboleed ee Puntland.

 

Related posts

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

Akhriso bayaanka Shirka Golaha Wasiirada

May 17, 2026
Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

May 17, 2026

Madaxweynaha ayaa kormeeray xarummaha Wasaaradaha Maaliyadda, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Puntland, taas oo qeyb ka ah qorshaha Madaxweynaha ee xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, xog-ururinta duruufaha ku xeeran deegaannada dalka, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xaqiijinta midnimada iyo wax-wada lahaanshaha shacabka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa loo soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda abaaraha deegaannada Puntland, saameynta isbeddelka cimilada iyo deegaanka, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wadajir loogu istaago samata-bixinta dadkeenna ku dhibaateysan deegaannada ay ka jiraan abaarahu.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in mideynta hannaanka maaliyadeed iyo amni ee dalka ay aas-aas u tahay xal u helista caqabadaha nololeed ee ku xeeran shacabka Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay Madaxda Xarummaha iyo Wasaaradaha heer dowlad-goboleed ee uu kormeeray in ay doorkooda ka qaataan dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

 

Kormeerkan waxaa Madaxweynaha ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Mudane Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Mudane Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.









Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Oo Booqday Maktabadda AGA

Next Post

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Qaabilay Wakiilka Bangiga adduunka 

Next Post
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Qaabilay Wakiilka Bangiga adduunka 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Qaabilay Wakiilka Bangiga adduunka 

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

Akhriso bayaanka Shirka Golaha Wasiirada

May 17, 2026
0

Shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda JFS oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu meelmariyay hawlo qaran oo muhiim...

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

May 17, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan ayaa looga hadlay Qorshaha Hirgalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka dalka Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka dalka Jabuuti

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda aanu...

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga Yurub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In