Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay bur buriyeen Maxkamad-beenadkii argagixisada Al-Shabab ku lahaayeen deegaanka Basra ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo Warbaahinta Qaranka u waramay ayaa sheegey in howlgalkan uu ahaa mid qorshysan laguna guuleystay.
Sareeyo Gaas Maxamed Xasan Xijaar ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay ku guuleysteen inay xasuuqaan argagixisada, ayna jab xooogan u geysteen, isagoo intaa ku daray in ciidamadu ay joogteyn doonaan howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.