Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, oo warbixin ka dhagaystay Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka ayaa boggaadiyay dadaalka iyo wadashaqaynta Wasaaradda Cafimaadka Federaalka iyo Wasaaraddaha kale ee dowlad gobolleedyada, kuwaas oo saldhig u ah in si wadar oggol ah looga wadashaqeyo howlaha horumarinta caafimaadka.
Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxa uu shir la xiriira qaabkii loo wada shaqayn lahaa u dhaxeeyay Wasaaradda Caafimaadka Federaalka iyo Wasaaraddaha Dowlad Gobolledyada ee caafimaadka kaas oo ahaa mid diiradda lagu saaray qaabka shaqo wadaagga iyo howlaha shaqo ee hortabinta u leh Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada.