Saturday, November 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyaadka Al-shabaab oo lacago baad ah ku soo rogay shacabka ku nool degmada Tiyeeglow

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyaadka Al-shabaab oo lacago baad ah ku soo rogay shacabka ku nool degmada Tiyeeglow
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab ayaa bilaabay in dadkii ku nool degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ay kusoo rogaan lacago baad ah oo aysan awoodin, xilli bulshada halkaas ku dhaqan ay la daalaa-dhaceyso abaar aad u daran oo dadka iyo duunyadaba saameysay.

Guddoomiyaha degmada Tiyeeglow Maxamed Cabdalla Xasan Food-cade oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in badi shacabka ay ka barakaceen degmada ka dib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada ay argagixisada ku hayaan iyo saameynta abaarta.

Related posts

Qodobbada Midowga Afrika ee ku saabsan Soomaaliya

Qodobbada Midowga Afrika ee ku saabsan Soomaaliya

November 28, 2026
Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada oo la soo gabagabeeyay

Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada oo la soo gabagabeeyay

November 26, 2026

“ Deegaanka waxaa ka jira abaar baaxad leh, waxayna argagixisada bilaabeen in shacabka dhibkaas ku sugan ku soo rogaan lacago baad ah oo aysan awoodin, qiimaha raashiinka iyo biyahana kor ayuu u kacay,” ayuu yiri guddoomiye Food-cade.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shacabka degmada Tiyeeglow ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah iyo in si wadajir ah looga hortago culeyska argagixisada Al-shabaab dadka deegaanka ku hayaan.

Previous Post

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo Muqdisho soo gaaray

Next Post

Golaha deegaanka degmada Xudur oo doortay guddoon cusub

Next Post
Golaha deegaanka degmada Xudur oo doortay guddoon cusub

Golaha deegaanka degmada Xudur oo doortay guddoon cusub

Qodobbada Midowga Afrika ee ku saabsan Soomaaliya

Qodobbada Midowga Afrika ee ku saabsan Soomaaliya

November 28, 2026
0

Midowga Afrika ayaa war ka soo saaray guusha taariikhiga ee qabsoomidda doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka ee ka dhacay gobollo kala duwan...

Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada oo la soo gabagabeeyay

Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada oo la soo gabagabeeyay

November 26, 2026
0

Waxaa magaalada Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya (CHF), kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda Bani’aadanimada, u...

Guddoomiyaha SoDMA oo iftiimiyay ahmiyadda shirka u leeyahay xoojinta adeegyada Benii’aadannimada

Guddoomiyaha SoDMA oo iftiimiyay ahmiyadda shirka u leeyahay xoojinta adeegyada Benii’aadannimada

November 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa hadal ka jeediyay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya...

Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed oo ka hadlay Shirka Madasha Arrimaha Benii’aadabnimada Soomaaliya

Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed oo ka hadlay Shirka Madasha Arrimaha Benii’aadabnimada Soomaaliya

November 26, 2026
0

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdinasiir Caruush, oo ka hadlay Shirka Madasha Arrimaha Banii’aadanimada Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In