Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Oo Qaabishay Safiirka Sweden Ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Oo Qaabishay Safiirka Sweden Ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada  Khadija Maxamed Al-makhzoumi ayaa manta qaabishay wafdi ka socda waddanka Sweden oo uu hogaaminayo Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Amb.Per Lindgärde, ooy ku weheliso madaxa Iskaashiga Horumarinta, Ms. Anna Saleem Högberg.

Safiirka ayaa ka warbixiyay mashaariicda horumarinta ee ka socda Soomaaliya ee ay Sweden maal galiso sida maashiircda la xidhiidha: xoojinta adkaysiga bulshada, deegaanka, laqabsiga isbadalka cimilada, Nabadaynta, xaquul insaanka iyo Caafimaadka.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Sidoo kale waxa Wasiirada iyo safiirku ka wada hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa qorshayaasha horumarineed ee deegaanka iyo Isbeddelka cimilada, xoojinta xidhiidhka labada wadan ee ilaalinta deegaanka iyo Isbeddelka cimilada, kobcinta awooda wasaarada iyo sidii loo qaadi lahaa talaabooyin saamayn muuqda leh oo wax lagaga qabanayo musiibooyinka Rabaaniga ah iyo abaaraha joogtada noqday.

Dalka Sweden wuxuu ka mid yahay wadamada horyaalka u ah ilaalinta deegaanka, shirkii lagu aas aasay Hay’ada u qaabilsan ilaalinta Deegaanka Qaramada Midoobay (UNEP) waxaa lagu aas aasay dalka Sweden, shirkii deegaanka ee Stockholm 1972 oo hadda laga joogo 50 sano.

Sweden waxay ka mid tahay wadamada Soomaaliya laleh xiriirka qotoda dheer, waxayna Soomaliya ka caawisaa barnaamijyada horumarinta iyo gargaarka bani’aadamnimo. Sidoo kale Soomaaliya waxay ka faiidaysan doontaa khibrada aad ka udheer ee Sweden ay uleedahay Ilaalinta deegaanka iyo Latacaalidda Isbedelka cimilda.

Previous Post

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka Oo Laga Soo Saaray War-Murtiyeed

Next Post

Dib-u-habeynta Istaraatiijiyadda Xogta Caafimaadka Dalka Oo Laga Shiray

Next Post
Dib-u-habeynta Istaraatiijiyadda Xogta Caafimaadka Dalka Oo Laga Shiray

Dib-u-habeynta Istaraatiijiyadda Xogta Caafimaadka Dalka Oo Laga Shiray

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In