Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Guddiga Dhaqaalaha Qaranka oo uu hoggaaminaayey Guddoomiyaha gudigga Dr. Cali Ciise.
Masβuuliyiinta ka socotay Guddiga Dhaqalaha ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka ka codsadey dhamaystirka sharciga muhiimka uΒ ah dardar-gelinta iyo kor u qaadida dhaqaalaha dalka gaar ahaan sharciga midaynta maaliyadda dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan (Madoobe) oo amaanay kaalinta muhiimka Qaranka u ahΒ ee ay ku leeyihiinΒ Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa ku dhiira geliyey madaxdooda sii xoojinta dedaalada lagu horumarinaayo nidaamka maaliyadeed ee dalka.Β Β Β Β Β Β Β











