Hoggaamiyaha Guud ee Ururka Xisbullah, Xasan Nasrallah, ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in Gantaallada xisbigu ay ku wajahan yihiin Karish, oo ah goob ay ku muransan yihiin Lubnaan iyo Israa’iil.
Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka ayuu Nasrallah ku sheegay in aysan suurtagal ahayn in Saliid iyo Gaaska laga soo saaro dhulka Kariish ka hor inta aanan la helin Heshiis.
Nasrallah ayaa yiri, “Waxaan la soconaa shaqada ka socota Kariish oo ah xuduudaha badda aan wali laga gaarin heshiis rasmi ah, Annaga khadka cas ayaa noo ah bilowga soo saarista Saliidda iyo Gaaska ku jira Kariish.
Israa’iil ayaa dhankeeda sheegso in Karish uu ku yaallo aag dhaqaale oo u gaar ah, halka Lubnaan ay ku adkaysanayso in goobtaas ay qayb ka tahay biyaha ay Israa’iil ku muransan yahiin.
Washington ayaa dhex dhexaad ka aheed khilaafka sii kordhay ee labada dal, iyada oo hawl wadeenada iyo marakiibta howsha waddaba uu keenay Mareykanka.
Lubnaan iyo Israa’iil, ayaa waxay dib u bilaabeen wada-xaajoodka xudduudahooda badeed sanadkii 2020, in kastoo markii danbe loo joojiyay sababo la xiriira kala duwanaansho dhanka sheegashada ah.