Monday, October 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Badqabka Bukaanka Oo Lagu Qabtay Baydhabo

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Badqabka Bukaanka Oo Lagu Qabtay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Koonfur Gobaleedka Soomaaliya gaar ahaan Waaxda Caafimaadka Qoyska iyo Adeegyada Bukaan Socodka, ayaa qabatay Munaasibada Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanka.

Munaasibada Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanka waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Koonfur Gobaleedka Soomaaliya mudane Osman Abdi Muse, Agaasimayaasha Waaxyaha, shaqaalaha kale Wasaaradda, madax ka socotay hay’adaha caalamiga iyo kuwa gudaha ah, Dhaqaatiirta iyo shaqaalaha kale ee Caafimaad ee ka howlgala xarumaha Caafimaad.

Related posts

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

October 20, 2025
Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

October 20, 2025

Maalintaan, ayaa la xusaa sanad walba 17 September waxaana loogu talagalay in kor loogu qaado ogaanshiyaha badqabka bukaanka, iyadoo sanadkaan munaasibada xuska maalintaan halhays looga dhigay ”DAAWEYN AAN WAXYEELA LAHAYN.

Ugu horreyn waxaa furay munaasibada Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cumar Cabdi Muuse waxuuna ka sheekeeyay muhiimada ay lee dahay in la ilaaliyo badqabka bukaanka, waxuuna macno iyo miisaan weyn ku sheegay mowduuca xuska sanadkaan haddii ay ka dhabeeyaan shaqaalaha Caafimaadka in ay tahay guul weyn oo laga gaaray sare u qaadida badqabka bukaanka.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska iyo Adeegyada Bukaan Socodka Naima Ahmed Addow ayaa sheegtay in badqabka bukaanka uu yahay qorshaha ugu horeeya ee la tacaalida bukaanka si looga ilaaliyo khatar dambe oo ka timaada daaweynta, waxayna fariin u dirtay dhamaan shaqaalaha caafimaad ee ka howlgala xarumaha caafimaad ee ku yaal dhamaan Degmooyinka iyo Gobolada Dowlad Gobaleedka Koonfur Gobaleedka Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan sare u qaadida badqabka bukaanka iyadoo loo maraayo ka hortag, la tacaalid iyo la socoshada badqabka bukaanka.

Gunaanadkii munaasibada waxaa la isku raaacay in shaqo wadareed laga qabto adeeg bixinta bukaanka, ilaalinta waxyeelada dawooyinka iyo wacyigelinta bulshada ee khataraha ka dhasha daawooyinka aanan dhaqaatirtu qorin.





Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Tacsiyeeyey Nabadoonaddii Xalay Lagu Laayay deegaanka Abooray

Next Post

Xarunta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Oo Laga Daah Furay Gaalkayo

Next Post
Xarunta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Oo Laga Daah Furay Gaalkayo

Xarunta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Oo Laga Daah Furay Gaalkayo

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

October 20, 2025
0

Waddada Dimuquraaddiyadda. Waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda Muqdisho isku diiwaangalisay in ay codeeyaan inka badan 50 sano...

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

October 20, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, waxaana ogolaatay...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

October 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa la kulmay...

Maamulka Warbaahinta Qaranka oo abaal marino lacageed guddoonsiiyay guuleystayaasha tartan cilmiyeedka

Maamulka Warbaahinta Qaranka oo abaal marino lacageed guddoonsiiyay guuleystayaasha tartan cilmiyeedka

October 20, 2025
0

Munaasabad kooban oo lagu abaal marinayay tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha hore ka galay tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In