Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo La Kulmay Ergeyga Gaar Ah Ee Q.M U Qaabilsan Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo La Kulmay Ergeyga Gaar Ah Ee Q.M U Qaabilsan Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Ergeyga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan iyo Ku-xigeenka Ergeyga ee Arrimaha Beni-aadannimada Mr. Adam Abdelmoula.,iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Xoghayaha Guud.

Danjire James Swan ayaa ugu horeyn Duqa magaalada Muqdisho ugu Hambalyeeyay xilka marlabaad loo soo Magacaabay, isagoo u rajeeyay in uu waxbadan ka qaban doonno horumarka, Dib-u-dhiska, Kobaca dhaqaalaha, Amniga, Bilicda iyo Shaqo Abuurka Dhallinyarada. Taasi oo uu sheegay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu garab kusiin doonno Maamulka Gobolka Banaadir, sidii tiirarkaasi muhiimka ah looga dhabeyn lahaa.

Related posts

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray Xaalada Abaaraha ee dalka ka jira iyo dadka kusoo barakacay Caasimada Muqdisho sidii loogu gurman lahaa, isla markaana Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adda QM isaga kaashan lahaayeen u gurmashada Barakacayaasha iyo sidii gar-gaarka kadib xal waara loogu sameyn lahaa dadka kusoo barakacay Caasimadda Muqdisho.

Previous Post

Wasiirka Ganacsiga Oo Kulan La Qaatay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada XDS Oo Gaaray Deegaanka Garasyaani

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada XDS Oo Gaaray Deegaanka Garasyaani

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada XDS Oo Gaaray Deegaanka Garasyaani

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In