Saturday, August 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga Oo Kulan La Qaatay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga Oo Kulan La Qaatay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Jibriil Cabdirashid Xaaji Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen horumarinta ganacsiga Soomaaliya iyo sidoo kale samaynta madasha ganacsiga ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub si loo abuuro is-dhex-gal ganacsi iyo abuurista fursado maal-gashi oo labada dhinac ah.

Wasiirka oo kulankiisa uu ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale, ayaa waxa kale oo laga ga hadlay mashaariicda socda Wasaaradda uu ka taageerayo Midowga Yurub, ku biiritaanka ururka Ganacsiga Aduunka iyo weli ba sidoo kale fududeynta ganacsiga, fududeynta maal-gelinta ee ganacsiyada yar yar, taageeridda ganacsiyada haweenka iyo weli ba sidoo kale hir-gelinta iyo horumarinta hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed ee Qaranka.

Related posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

August 8, 2026
Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

August 8, 2026

Wasiir Jibriil, wuxu Midowga Yurub uga mahadceliyey taageeradooda ku aadan dhismahaha dawladnimada, horumarka iyo amniga Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ka Wasaarad ahaan ay ka go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta ay la lee yihiin Midowga Yurub si ay iskaga kaashadaan horumarinta ganacsiga, warshadaha iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Amb. Tiina Intelmann oo iyadu na halkaas ka hadashay, ayaa u mahad-celiyey Wasiirka iyo madaxda kale ba, waxaana ay balan-qaaday in Midowga Yurub uu diyaar u yahay siddii ay Soomaaliya u la yeelan lahaayeen xidhiidh ganacsi isla-mar-ahaantaana ay ka go’an tahay samaynta madal kulmisa ganacsatada labada dhinac, waxay sidoo kale carabka ku dhufatay inay sii wadi doonaan mashaariicda iyo dedaalada kale ee lagu taageerayo guud ahaan horumarinta iyo dib-u-habaynta ganacsiga Soomaaliya.

Previous Post

Maleeshiyaad Ka Tirsan Argagixisada Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Deegaan Hoostaga Bariire

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo La Kulmay Ergeyga Gaar Ah Ee Q.M U Qaabilsan Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo La Kulmay Ergeyga Gaar Ah Ee Q.M U Qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo La Kulmay Ergeyga Gaar Ah Ee Q.M U Qaabilsan Soomaaliya

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kulan ku yeeshay xafiiskiisa ku yaalla Xarunta Guddoonka...

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026, iyadoo Soomaaliya ay si muuqata...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga,...

Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda

Hay’adda NISA oo fashilisay shabakad qorshaynaysay carqaladaynta amniga caasimadda

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay Sagaal dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In