Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray dalka Itoobiya “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray dalka Itoobiya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Iimaan iyo Wafdi uu hoogaaminayo oo ka kooban agaasimeyaal, Injineero iyo Madax qaybeedyo kasocda Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay uga bilaabatay shirar iyo kulamo la xiriira aqoon iswaydaarsi dhanka kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta magaalaynta ah.

Inta wafdiga ka socda Wasaaradda Hawlaha Guud ay safarka shaqo ku joogaan Addis Ababa waxa ay shirar la yeelan doonaan madaxda hay’adaha dawliga ah.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Ugu horaytii wafdigu waxa uu booqday islamarkaana shir la yeeshay madaxda hay’adda maamulka waddooyinka ee Itoobiya.

Halkaas oo uu ku soodhoweyey agaasimaha guud ee haayadaasi waxaana la isdhaafsaday khibradda, mashaariicda socda iyo sidii loo wada shaqayn lahaa.

Dhanka kale Wafdiga kasocda Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta DFS oo uu hoggaaminaayo agaasimaha Guud ee Wasaaraddu waxa ay shir la qaateen Wasiirka Wasaaradda Magaalayta iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha ee dowladda Itoobiya Marwo Chaltu Sani iyo Wasiiru dowlaheeda Eng. Wabdimu Seta.

Shirka intii uu socday ayaa looga wada hadlay xiriirka iyo wada shaqaynta labada Wasaaradood iyadoo isdoo kalena halkaas la is dhaafsaday aqoon iyo waayo aragnimada howlaha horumarinta Magaalooyinka, Dhismaha Kaabayaasha dhaqaalaha.

Previous Post

RW XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya

Next Post

Wariiska kalluumaysiga XFS oo qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya

Next Post
Wariiska kalluumaysiga XFS oo qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya

Wariiska kalluumaysiga XFS oo qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In