Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan oo uu weheliyo Agaasimaha Wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta Galmudug ayaa Maanta tababar u soo xiray xubno kamid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo Howl-wadeenada Maamulka Dowladda hoose ee degmada Galkacyo kaas oo sare loogu qaadayay aqoontooda ku aadan hirgalinta mashaariicda Horumarinta ee laga fulinaayo degmada Gaalkacyo.
Tababarkan oo Mudo 3-maalmood soconayay ayaa waxaa fududeeyey wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug iyo Hay’adda UNCDF waxaana loogu talagalay in lagu xoojiyo fursadaha ka faa’iidaysiga mashaariicda Dowladaha hoose ee JPLG, kaas oo hay’adaha Qaramada Midoobay ku taageeraan qaar kamid degmooyinka Dalka.
Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaana ugu danbeyntii shahaadooyin gudoon siiyay qaar ka mid ah shaqaalaha Maamulka oo dhameystay tababarka.