Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boqorka Sacuudiga oo wiilkiisa u magacaabay Ra’isul Wasaare

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Boqorka Sacuudiga oo wiilkiisa u magacaabay Ra’isul Wasaare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqor Salmaan Bin C/casiis ayaa wiilkiisa, ahna dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha boqortooyada Sacuuudiga, halka Amiir Khalid oo ah wiilkiisa labaad uu u magacaabay wasiirka Gaashaandhigga, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday boqortooyada Talaadadii.

Isku shaandheyntan ayaa wiil kale oo lagu magacaabo, Amiir Abdulaziz bin Salman, laga dhigay wasiirka tamarta, sida Boqorka da’da ah uu ku yiri wareegtada boqortooyada, oo ay baahisay wakaaladda wararka ee SPA.

Related posts

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026

Wasiirka arrimaha dibedda Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, Wasiirka Maaliyadda Mohammed al-Jadaan iyo Wasiirka Maalgashiga Khalid al-Falih ayaa kusoo noqday boosaskooda, sida ay muujineyso wareegtan.

Dhaxal sugaha, oo loo yaqaan MbS, ayaa laga dalacsiiyay wasiirka gaashaandhigga, waxaana uu ahaa hoggaamiyaha dhabta ah ee dalka dhoofinta saliidda ugu weyn adduunka, ahna saaxiibka ugu weyn Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Mas’uul ka tirsan Sacuudiga ayaa sheegay in xilka cusub ee Ra’iisul wasaaraha uu yahay mid la jaan qaadaya shaqooyinkii iyo masuuliyaddii hore ee boqorka oo ay ka mid yihiin inuu Boqortooyada u matalo booqashooyinka dibadda iyo shir-guddoonka shirarka ay martigelineyso Boqortooyada Sacuudiga.

Amiir Khalid bin Salman, oo ah walaalka ka yar MbS, ayaa horay u soo noqday wasiir ku xigeenka gaashaandhigga.

Previous Post

Ciidanka xoogga dalka oo maanta Al-shabaab kala wareegay deegaanno muhiim u ahaa argagixisada.

Next Post

Ergayga gurmadka Abaaraha oo Canada kala hadlay kordhinta Gurmadka looga jawaabayo Abaaraha ka jira Soomaaliya

Next Post
Ergayga gurmadka Abaaraha oo Canada kala hadlay kordhinta Gurmadka looga jawaabayo Abaaraha ka jira Soomaaliya

Ergayga gurmadka Abaaraha oo Canada kala hadlay kordhinta Gurmadka looga jawaabayo Abaaraha ka jira Soomaaliya

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Geesiyaasha Ciidanka XDS Soomaaliyeed u diray Hambalyada Sanad guuradii...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Liibiya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Liibiya

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Tripoli):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali,ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In