Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Itoobiya

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Itoobiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah oo qaadanaysa Labo maalmood ay ugu bilaabatay dalka Itoobiya ayaa soo dhaweynta ugu sarreysay ee dalkaani ay u sameeyaan Madaxda waxaa lagu maaamuusay isaga iyo wafdigiisa.

Related posts

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa Bole International Airport, Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed, xubno ka tirsan Golaha Wasiirradiisa, Saraakiil iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta Madaxweynaha, halka loo riday 11 madfac oo ka tarjumaya maqaamka sare ee lagu qaabilay wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ajiibidda casuumaadda uu u fidiyey iyo booqashadan muhiimka ah, halka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Itoobiya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaal ku maray dhammaan dalalka dariska la ah dalkeenna iyo guud ahaan Gobolka, si uu xoojiyo xiriirka iyo doorka diblumaasiyadda dalkeenna, loona xaqiijiyo Soomaali heshiis la ah dariskeeda, saaxiibna la ah cid kasta oo ay danwadaag yihiin.

Previous Post

Wasiirka Caddaaladda XFS oo daah-furay shir muhiim ah

Next Post

Madaxweynaha Hirshabelle oo Ka tacsiyeeyay geerida ku timid Xildhibaan Xasan Faarax Salaad

Next Post
Madaxweynaha Hirshabelle oo Ka tacsiyeeyay geerida ku timid Xildhibaan Xasan Faarax Salaad

Madaxweynaha Hirshabelle oo Ka tacsiyeeyay geerida ku timid Xildhibaan Xasan Faarax Salaad

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay wafdi...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026
0

Muqdisho — Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

July 27, 2026
0

Baydhabo — Hoggaamiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Dowlad...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay wakiillada ururrada siyaasadeed ee Galmudug

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay wakiillada ururrada siyaasadeed ee Galmudug

July 27, 2026
0

Dhuusamareeb — Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay tababar loo qabtay wakiillada ururrada siyaasadeed ee ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In