Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay Cabdiwahaab Qaasim Axmed oo Dalkeena ku matalayay tartanka Qur’aanka Kariimka Caalamiga ah oo kadhacayay Dalka Turkiga.
Mr. Cabdiwahaab oo ku tartamayay qeybta 30ka Jus ayaa ku guuleystay kaalinta 2aad.
Tartame Cabdiwahaab oo ay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS udirtay tartanka ayaa horey ugu guuleystay, tartan ay Wasaaraddu uqabatay tartamayaal daneynayay in ay ka qeybgalaan Tartankan Caalamiga ah ee ay dowladaha caalamka ku martiqaado Dowladda Turkiga.