Saturday, August 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Gudaha Oo Warbixinno Ka Dhageestay Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga iyo Booliska

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 8, 2022
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Gudaha Oo Warbixinno Ka Dhageestay Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga iyo Booliska
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyeyaash Xoogga Dalka iyo Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhagestay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ku saabsan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee ka socda Gobolada Dalka iyo Guulaha laga gaaray.

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

August 1, 2025
Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

August 1, 2025

Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha ayaa warbixin ku aadan sidii deegaannada laga xoreeyay Argagixisada loo geyn lahaa Boolis, ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

“Maanta waxaan warbixin guud ka dhegaystay Taliyaha Ciidanka Xoogga oo iiga warramay hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaannada kala duwan ee dalka.

Sidoo kale, Taliyaha Booliska ayaa ila wadaagay qorshaha ku aaddan xasilinta iyo la wareegidda amniga deegaannada la xoreeyay”. Ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxa ay u heelan tahay sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen amni lagu kalsoon yahay.

Previous Post

Madaxweynaha Dalka Oo Kulan Watashi Ah La Qaatay Culumada Soomaaliyeed “SAWIRRO “

Next Post

Somali Government banned the dissemination of terrorist messages in the media

Next Post
Somali Government banned the dissemination of terrorist messages in the media

Somali Government banned the dissemination of terrorist messages in the media

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

August 1, 2025
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

August 1, 2025
0

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda. 1-da Agoosto 2025, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga...

Daacish Baxsad ah oo lagu qabtay Gobolka Barri.

Daacish Baxsad ah oo lagu qabtay Gobolka Barri.

August 1, 2025
0

Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay labo kamid ah maleeshiyaadka Kooxda Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey Buuraleyda...

Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay

Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay

August 1, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff ayaa maanta booqanaya Gaza si uu u kormeero goobaha cuntada lagu qaybiyo, sida...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In