Tuesday, May 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Miisaaniyadda Gollaha Shacabka oo la kulmay Mas’uuliyiinta W/Qorsheynta XFS

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Guddiga Miisaaniyadda Gollaha Shacabka oo la kulmay Mas’uuliyiinta W/Qorsheynta XFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxda Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta magaalada Muqdisho kullan kula yeeshay Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorshaynta iyo la-xisaabtanka Hay’addaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud Cali Sheekh Faarax (Beenebeene) oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Agaasimyaha Guud ee Wasaaradda Mudane Asad Yuusuf Qanyare, Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorshaynta iyo La- Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xil. Maxamed Faarax Nuux, dhammaan Guddiga iyo Agaasimyaasha waaxyaha iyo La-taliyaasha Wasaaradda Qorsheynta.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026

Kulanku inta uu socday, waxey labada dhinac isla lafo-guray arrimaha mudnaanta u leh dalkeenna oo ay ugu horeyso Miisaaniyadda dalka oo ay Wasaaradda qeyb lixaad leh ku leedahay diyaarinteeda. Sidoo kale, Sharciga Hay’adaha aan Dowliga ahayn oo ay diyaarisay Wasaaradda iyo dar-dargelintiisa geedi socodka horumarineed ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maxamuud Cali Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa sharaxay ahmiyadda kullanka uu daaran yahay.
“Guddiga Miisaaniyada, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’addaha ee Golaha Shacabka waxa uu muhiimad gaar ah u leeyahay umadda Soomaaliyeed, ka Wasaaradd ahaan macno wayn ayuu noo leedahay inaa ka wada shaqeeyno sharicyadda ay horey Wasaaradda u soo diyaarisay oo Baarlamaanka horyaala oo uu ugu horeyo; Sharciga Hay’adaha dowliga aan ahayn (NGO Bill). Wasaaradda Qorsheynta, waxaa ka go’an inaa si dhow uga wada shaqeeyno howlaha baaxada leh ee na horyaalo, ka guddi ahaan waxaan idinkaga fadhinaa in naga xigsataan fahdiyada Golaha Baarlamaanka si loo mariyo sharuucyada muhiimada wayn u leh dalkeenna” ayuu yari Wasiirka Maxamuud.

Gudoomiyaha gudiga Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka hay’adaha Golaha Shacabka Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudne Maxamed Faarax Nuux ayaa sheegay in ka guddi ahaan diyaar u yihiin dar-dargalinta shaqooyinka kala duwan ee Wasaaradda iyo guddiga ka dhexeeyso.

Kullanka ayaa ahaa midkii ugu horeeyey ee yeeshan Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya iyo Guddiga Miisaaniyada, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’addaha Dowladda, iyadoo hoosta si wadajira looga xariiqay joogteynta kullamada noocaan oo kale ah.

Previous Post

Maamulka degmada Cadaado oo mamnuucay in la dhiso dhul aan sharci laheen

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Jarmalka, Denmark iyo Belgium

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Jarmalka, Denmark iyo Belgium

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Jarmalka, Denmark iyo Belgium

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka...

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026
0

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka qayb galaya in ka badan 35 suxufi oo ka kala socda...

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

May 3, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Haadow, ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada...

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay martiqaadka Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In