Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaano ka tirsan BJFS oo ka qeyb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Xildhibaano ka tirsan BJFS oo ka qeyb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka.

Kulankan oo ahaa kii 145-aad ee Baarlamaanka Adduunka  ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb galay Shan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka labadiisa Aqal oo ay ka mid ahayd Senator Samsam Daahir Maxamuud.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026

Fadhiga kulanka oo looga hadlay arrimo badan ayaa saddex maalin oo ka mid ah waxaa looga hadlay ka qayb galka siyaasadda ee Haweenka iyo sida guulo looga gaaray tobankii sano ee ugu dambeeyay.

Senator Samsam Daahir Maxamuud oo khudbad halkaas ka jeedisay ayaa faahfaahisay horumarka ay Haweenku ka gaareen ka qayb galka siyaasadda iyaga oo hadda soo gaaray xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, taasina ay tahay guul ay ku tallaabsadeen Haweenka Soomaaliyeed.

Xildhibaanada Soomaaliya uga qayb galay kulanka Baarlamaanka Adduunka ayaa sidoo kale afarta sano ee soo socota fadhiyada Baarlamaanka Adduunka ku matali doona Soomaaliya, waxayna kala yihiin :-

  1. Senator Samsam Daahir Maxamuud
  2. Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud (Xayd).
  3. Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar
  4. Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed
  5. Xildhibaan Nuradiin C/laahi Colujoog.

Previous Post

Sidee looga faa’ideysan karaa kacdoonka shacabka ee looga soo horjeedo Khawaarijta?

Next Post

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeedin doona shirka TanaForum

Next Post
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeedin doona shirka TanaForum

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeedin doona shirka TanaForum

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙, oo burcad-badeeddu 17-kii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In