Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siyaasiyiinta & Bulshada Koonfur Galbeed oo isku raacay dagaal ka dhan ah argagixisada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Siyaasiyiinta & Bulshada Koonfur Galbeed oo isku raacay dagaal ka dhan ah argagixisada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirada, xilhibaanada, siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed oo shirweyne ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlay kaalintooda ku aadan kacdoonka dulmi-diidka ee ka socda dalka, kaas oo looga soo horjeedo argagixisada Al-shabaab.

Shirka waxaa ka qeyb galay Wasiirada Gaashaandhiga iyo Diinta iyo Awqaafta, Xannaanada xoolaha, Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo xubno kale, kuwaas oo dhammaan jeediyay kalmado ku wajahan sida ay muhiim ugu tahay bulsahada Koonfur Galbeed in ay iska dulqaadaan arxan-laawayaasha Al-shabaab.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026

Wasiirka wasaaradda Difaaca Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay shirweynahan looga tashanayo kacdoonka dulmi-diidka ee lagu ciribtirayo argagixisada, wuxuuna mahad gaar ah u celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatay abaabulka iyo qabsoomidda shirweynahan.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta kulmay ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah argagixisada, kaas oo ka bilaabanaya deegaanada Koonfur Galbeed, waxayna argagixisada Al- Shabaab dalka iyo dadka soomaaliyeed ku hayaan gumeysi iyo gumaad qaawan, waxaa Alle Mahadii ah in maanta leysla fahmay, oo si wadajir loola diriraayo.

Dalka waxaa ka socda kacdoon lagu diidan yahay argagixisada Al-shabaab iyo falalka gurracan ee Bulshada ku hayaan, waxaana hadda kacdoonka xooggiisa ka socda gobolka Hiiraan, halkaas oo badi argagixisada laga xoreeyay.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Dhiggiisa Dalka Turkiga

Next Post

Ciidamada iyo dadka deegaanka gobolka Hiiraan oo lagu bogaadiyay ciribtirka argagixisada

Next Post
Ciidamada iyo dadka deegaanka gobolka Hiiraan oo lagu bogaadiyay ciribtirka argagixisada

Ciidamada iyo dadka deegaanka gobolka Hiiraan oo lagu bogaadiyay ciribtirka argagixisada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay taliyaha Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM

July 30, 2026
0

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah...

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

Galmudug oo saaka u dareertay doorasho qof iyo cod ah

July 30, 2026
0

Bulshada Galmudug ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta doorashada isku sidkan ee golayaasha deegaanka iyo golaha wakiilada, taas oo ka...

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

July 30, 2026
0

Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa saaka safka lagalay kumanaan shacab ah oo ka codeynaya degmada Cadaado, iyagoo dooranaya golaha deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In