Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaa naga go’an in Dhaqankeena Bulsho iyo Dowladnimo aan ku ilaalino Diinteena Suuban Ee Islaamka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaa naga go’an in Dhaqankeena Bulsho iyo Dowladnimo aan ku ilaalino Diinteena Suuban Ee Islaamka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb-galay xiritaanka Shirweynaha Caalamiga ah ee Culuumta Shareecadda Islaamiga ah oo maanta lagu soo gaba-gabeeyey Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb galeen culummo iyo aqoonyahan ka socday gobollada dalka iyo dalalka Caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda shirkan, maadama dalkeennu uu dagaal kula jiro fikirka xagjirnimada ah iyo argagixisada magaca diinta Islaamka ku gumaadeysa shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadkeenna.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 26, 2026
Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Talyaaniga oo ka warbixiyay Khasaaraha dooni ku qalibantay xeebaha Talyaaniga

Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Talyaaniga oo ka warbixiyay Khasaaraha dooni ku qalibantay xeebaha Talyaaniga

August 26, 2026

“Waxa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ay ku mideysan yihiin waa diinteenna suubban ee Islaamka. Dowladda oo gaabisay dowrkeeda ku aaddan diinta ayaa sabab u noqotay in argagixisadu ay ka faaiideystaan oo si khaldan ugu maran habaabiyaan dadka. Maanta waxaa naga go’an in aan fasiraddaas khaldan meesha ka saarno, dhaqankeenna bulsho iyo dowladnimo aan ku ilaalinno diinteenna suubban ee Islaamka.”

Dhankooda, Madaxda xarummaha cilmu-baarista shareecada, maamulka macaahidda iyo goobaha lagu barto culuumta diinta Islaamka ee dalka ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka, gaar ahaan qeybta shareecada, iyagoona guddoonsiiyey billad sharaf ay ku maamuusayaan doorkiisa kobcinta waxbarashada dalka.

Munaasabaddan waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliin Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mudane Mukhtaar Roobow Cali, culimmo iyo aqoonyahanno ka socday dalalka Jabuuti, Suudaan, Ciraaq, Nayjeriya, Al-jeriya iyo Itoobiya.

Previous Post

Taliye Odowaa Oo Kormeeray Deegaanka Xawaadley Ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleesatay heshiis muhiim ah 

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo ku guuleesatay heshiis muhiim ah 

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleesatay heshiis muhiim ah 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib casuumaad...

Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Talyaaniga oo ka warbixiyay Khasaaraha dooni ku qalibantay xeebaha Talyaaniga

Qunsulka Safaaradda Soomaliya ee Talyaaniga oo ka warbixiyay Khasaaraha dooni ku qalibantay xeebaha Talyaaniga

August 26, 2026
0

Doontaan oo ay saarnaayeen 55 Muhaajiriin ah oo u badnaa Soomaali oo ay ku jireen Mudaaniin u dhashay dalka Masar...

Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay wax u qabashada dadka dalka dib loogu soo celiyo.

Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir looga hadlayay wax u qabashada dadka dalka dib loogu soo celiyo.

August 26, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka qabsoomay kulan lagu daah-furayay mashruuca CAPSOM II, kaas oo diiradda lagu saaray...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kormeeray Xarunta Machadka Tababarrada Beladweyne

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo kormeeray Xarunta Machadka Tababarrada Beladweyne

August 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabeelle, Mudane Nuur Xasan Muuse (Jaake), ayaa maanta kormeer shaqo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In