Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga Arrimaha Abaaraha Oo Kulan La Qaatay jaaliyadda Switzerland

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Ergeyga Arrimaha Abaaraha Oo Kulan La Qaatay jaaliyadda Switzerland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Mudane. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa xalay kulan ballaaran la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Switzerland.

Kulanka oo jaaliyaddu si heer sare ah u soo qaban-qaabisay, ayaa ka dhacay magaalada ugu weyn dalka Switzerland ee Zurich, waxaana si weyn uga soo qeyb galay qaybaha kala duwan ee bulshada sida; Culimada, Aqoonyahannada, dhallinyarada, iyo Haweenka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026

Ergeyga, ayaa Jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan saameynta taban ee Isbaddeka Cimiladu ku yeelatay waddanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ku boorriyay in ay gacan ka geystaan gurmadka abaaraha iyo la dagallaanka argagexisada.

Ergeyga, ayaa sidoo kale jaaliyadda ku dhaqan Switzerland ku baraarujiyay muhiimadda ay qurba-joogtu xilliga shiddada u leeyihiin nololosha dadka dan-yarta ah ee ku sugan waddanka, isagoo ku tirtirsiiyey in ay u istaagaan dib u dhiska dalka iyo dawladnimada.

Dhanka kale, xubnihii Jaaliyadda ee ka hadlay munaasabadda, ayaa Ergeyga ku ammaanay doorkiisa u qareemidda, u qeylo dhaaminta gurmadka abaaraha iyo sida uu waqtiga u galiyay inuu indhaha caalamka ku soo jeediyo baaxadda abaarta ka jirta waddanka.

Ergeyga, ayaa Switzerland ku tagay safar shaqo, isagoo magaalada Bern kulan kula qaatay madaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Switzerland, halka uu Geneva uga qeyb-galay shir looga hadlayey saameynta masiibooyinka caalamiga ah ee is huwan.

Tags: Ergeyga Arrimaha Abaaraha Oo Kulan La Qaatay jaaliyadda Switzerland
Previous Post

Ukraine oo sheegtay inay  soo riday tiro kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray dalka Algeria

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray dalka Algeria

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay, kulan casho ahna kula qaatay qaar ka mid ah...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In