Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Guddi U Saaray Dhibaataddii Shalay Ka Dhacay KM5

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Guddi U Saaray Dhibaataddii Shalay Ka Dhacay KM5
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

               WAR SAXAAFADEED

Related posts

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka ee qaraxii KM5.

Ra’iisul Wasaaraha oo xiganaya qodobada 99 iyo 100 ee Dastuurka KMG ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana jawaabaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska KM5 iyo mudnaanta ay leedahay in daryeel degdeg ah loo fidiyo dhibbanayaashii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyada, wuxuu magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo shaqeyn doona tan iyo inta laga soo gabagabeynayo hawlaha gurmadka. Xubnaha Guddiga Gurmadka oo ka kooban 10 qofood, waxay kala yihiin sidan:

1. Dr. Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caafimaadka Guddoomiye.

2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali Wasiirka Amniga Gudaha Xubin.

3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir Wasiirka Waxbarashada Xubin.

4. Daa’uud Aweys Jaamac. Wasiirka Warfaafinta Xubin.

5. Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Haweenka Xubin.

6. Abshir Maxamed Axmed Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Xubin.

7. Xirsi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha XRW Xubin.

8. Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin.

9. Maxamuud Macallin Cabdulle Guddoomiyaha SODMA Xubin.

10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Maareeyaha NEOC Xogheyn.

Guddigan uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda:

1. Hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29/10/2022.

2. Fidinta caawimaad deg deg ah dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.

3. Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay.

4. Isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka

5. Xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada Caafimaadka ee Isbitaallada Dalka.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheikh oo faray xukuumadda in ay gurmad cafimaad oo deg deg ah u diyaariso dhaawacyada qaraxa Soobe

Next Post

Madaxa Hay’adda (WHO) Oo Sheegay Inay Soomaaliya U Dirayaan Gargaar Caafimaad

Next Post
Madaxa Hay’adda (WHO) Oo Sheegay Inay Soomaaliya U Dirayaan Gargaar Caafimaad

Madaxa Hay’adda (WHO) Oo Sheegay Inay Soomaaliya U Dirayaan Gargaar Caafimaad

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

Wasiirka  Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta kulan xoojinta iskaashiga iyo...

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In