Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Guddi U Saaray Dhibaataddii Shalay Ka Dhacay KM5

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
October 30, 2022
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Guddi U Saaray Dhibaataddii Shalay Ka Dhacay KM5
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

               WAR SAXAAFADEED

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka ee qaraxii KM5.

Ra’iisul Wasaaraha oo xiganaya qodobada 99 iyo 100 ee Dastuurka KMG ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana jawaabaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska KM5 iyo mudnaanta ay leedahay in daryeel degdeg ah loo fidiyo dhibbanayaashii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyada, wuxuu magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo shaqeyn doona tan iyo inta laga soo gabagabeynayo hawlaha gurmadka. Xubnaha Guddiga Gurmadka oo ka kooban 10 qofood, waxay kala yihiin sidan:

1. Dr. Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caafimaadka Guddoomiye.

2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali Wasiirka Amniga Gudaha Xubin.

3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir Wasiirka Waxbarashada Xubin.

4. Daa’uud Aweys Jaamac. Wasiirka Warfaafinta Xubin.

5. Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Haweenka Xubin.

6. Abshir Maxamed Axmed Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Xubin.

7. Xirsi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha XRW Xubin.

8. Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin.

9. Maxamuud Macallin Cabdulle Guddoomiyaha SODMA Xubin.

10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Maareeyaha NEOC Xogheyn.

Guddigan uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda:

1. Hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29/10/2022.

2. Fidinta caawimaad deg deg ah dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.

3. Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay.

4. Isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka

5. Xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada Caafimaadka ee Isbitaallada Dalka.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheikh oo faray xukuumadda in ay gurmad cafimaad oo deg deg ah u diyaariso dhaawacyada qaraxa Soobe

Next Post

Madaxa Hay’adda (WHO) Oo Sheegay Inay Soomaaliya U Dirayaan Gargaar Caafimaad

Next Post
Madaxa Hay’adda (WHO) Oo Sheegay Inay Soomaaliya U Dirayaan Gargaar Caafimaad

Madaxa Hay’adda (WHO) Oo Sheegay Inay Soomaaliya U Dirayaan Gargaar Caafimaad

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha...

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta...

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

August 26, 2025
0

Intii uu socday Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In