Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Gaaray Xuddur “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Gaaray Xuddur “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi iyo wafdi uu horkacayo, ayaa goordhow gaaray magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Wasiir Axmed Fiqi, ayaa u gaaray magaaladaasi si uu goobjoog uga ahaado caleemosaarka guddoomiyaha degmada Xudur iyo maamulka deegaanka, waxaa kale oo inta uu jooga halkaasi u kuurgeli doonaa xaaladaha kala duwan ee kajira sida kuwa banii’aadnimmo, xog wareysiga howlaha xoreynta, baahinta maamulka iyo adeegyada, xasillinta iyo arrimo kale, isaga kulamo la yeelanaya maamulka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026

Booqashada Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ee Xudur, ayaa imaaneysa saacado yar uun kadib markii uu ka degay Baydhabo oo ah xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen,Wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur galbeed Mudane Cabdullahi Xaaji Xasan.

29-kii Oktober ayey aheyd markii wasiirka arrimaha gudaha mudane Axmed Fiqi uu booqasho ku tagay Buulabudre ee Hiiraan oo oo ah mid go’doonsan, waana tallaabo ay Wasaaradda uga warheyneyso dadka iyo deegaanadda, gaar ahaan kuwa ay ka jirto dhibaatada daran.





Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan La Qaatay Dhaqaatiirta Jabuuti “SAWIRRO”

Next Post

Safiirka Soomaaliya Ee Suudaan Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Caafimaadka Dalkaas

Next Post
Safiirka Soomaaliya Ee Suudaan Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Caafimaadka Dalkaas

Safiirka Soomaaliya Ee Suudaan Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Caafimaadka Dalkaas

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

January 7, 2026
0

The Minister of Defence, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today officially concluded a military training programme for units of the Gorgor...

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku guulaysatay siidaynta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo 4 maalin ah ku xayirnaa xeebaha Dalka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In