Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Wafdigiisa ayaa maanta kulan laqaatay Taliyaha Ciidanka Milatariga Dalka Ethiopia, kaasi oo ay isla soo qaadeen arrimaha ladagaallanka Khawaarijta iyo sidii la isaga kaashanlahaa dagaalka lagula jiro kooxda khawarijta,.
Taliyaha Milatariga Dalka Ethiopia. ayaa ku Amaanay Madaxda Wasaaradda Difaaca Soomaaliya sida ay uga go’antahay ciribtirka Kooxda Khawaarijta.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii guud ahaan dalka looga cirib tiri lahaa khawaarijta isagoo xusay in guulo waa weyn laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.