Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daahfuray Ololaha Nadaafada Caasimadda oo ay isugu soo baxeyn bulshada degmooyinka, Howl wadeenada Dowladda Hoose Xamar iyo madaxda Maamulka Gobolka.
Ololahaani Nadaafadeed oo ujeedkiisu yahay mid lagu xoojinayo horumarinta Caasimadda ayaa waxaa sidoo kale barbar socday wacyigalin la xariirta sidii qofkaste oo muwaadin ah uga qeyb qaadan lahaa illaalinta Bilicda iyo horumarka Deegaanka.