Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kulan kulaa qaatay Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Puntland oo isugu yimid Caasimadda Puntland.
Kulanka ayaa looga hadlay u Diyaargarowga Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Puntland oo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ay bilowmi doonto 5-ta January ee sanadka 2023, Sidoo kale waxaa laga hadlay Amniga iyo Horumarinta Degmooyinka iyo Gobollada Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa ka dhegaystay Guddoomiyeyaasha warbixinta xaaladda guud ee degmooyinka iyo Gobollada Puntland, wuxuuna kula dardaarmay in ay sii horumariyaan dadaalka iyo u adeegidda Bulshada iyo Sidii la isugu diyaarin lahaa si dhameystiran Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka.
Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Taliyeyaasha Ciidamada, La-taliyeyaasha Madaxweynaha Puntland iyo Saraakiil Madaxtooyo.